Ciidanka Xoogga oo Qarxiyay miinooyin lagu aasay wadada u dhaxeysa Baladweyne iyo Matabaan

Ciidamada Dowladda Federaalka ee soomaaliya ayaa fashiliay miinooyin la sheegay in lagu aasay waddada isku xirta Beledweyne iyo Matabaan.

Ciidanka ayaa burburiyay walxaha qarxa ee lagu aasay wadada u dhaxeysa Baladweyne iyo Matabaan oo inta badan muhiim u ah isu socodka gobolada dhexe.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in guud ahaa gobolka Hiiraan uu ka bilaaban doono howlgallo ciidan,gaar ahaan,deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Gobolka Hiiraan ee bartamaha soomaaliya ayaa degaanno dhowr ah laga saaray dagaalamaayasha Al-shabaab, waxaana Ciidamada ay isku ballaariyaan deegaamada Gobolka Hiiraan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor