Faah faahinno dheraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo Ciidanka Xoogga dalka ay ka sameeyeen qaybo ka mid ha xuduudka Gobolada SHabeellaha dhexe iyo Gobolka Galgaduud oo ka kala tirsan maamulada Hirshabeele iyo maamulka Galmudug.
Howgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidanka Xoogga ee DANAB, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in howgaladasi lagu qabtay dagaalamayaasha ALShabaab.
Saraakiisha howgalkaasi hoggaaminayay ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan AS,oo ay sheegeen inay isaga gudbayeen xuduudka labada Gobol.
Howlgalada ayaa waxaa qayb ka ahaa diyaaradaha dagaalka sida ay saraakiishu sheegeen, waxaana sidoo kale Ciidanku ay waddoooyinka degaanadaasi ka sameeeyeen howgallo miino baaris ah.
Saraakiisha Ciidanka DANAB ee Xoogga dalka ayaa intaas ku daray in u jeedka howgaladaaani ay qayb ka yihiin xaqiijinta ammaanka degaanada xuduudka ah ee Maamulada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.