Ciidanka Xoogga oo howlgallo Qorsheysan ka fuliyay Jubbada Hoose

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan ururka 5-aad, guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab qeybtooda Jubaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanada Dhay-cabdi, Mayoonde, Qudhac-madoobe, Koban, Araare iyo Bandar-jadiid oo dhamaantood ku yaalla waqooyiga magaalada Kismaayo.

Inta uu howlgalka socday Ciidanka ayaa ku guuleystey inay soo saaraan Miinooyin, waxaana ay sheegeen in  sidoo kale burburiyeen goobo Al-Shabaab ku lahayeen degaankaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor