Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa Daraawiishta jubbaland ayaa howlgal ka sameeyay waddada xiriirisa degmooyinka Luuq iyo Doloow ee Gobolka Gedo,halkaaai oo dhawaanahaan dagaalamaayasha AS ay ka gaysanayeen falal amni-darro.
Ciidamada ayaa la wareegey fariisimo ay AS ku lahayeen degaanada Shataaloow, Aboow iyo laaqeey, iyadoo saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ay sheeegeen inay khasaare xooggan lagu gaarsiiyay dagaalamaayasha AS.
Saraakiisha hhowlgalka hoggaamineysay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgallada ay saaka sameeyeen ay ahaayeen kuwo qorsheysan, sidii la rabayna u dhacay.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Gobolka Gedo Cali Xasan Cabdi oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka, isaga oo sheegay inay degaano badan kala wareegeen AS ,hadana ay gacanta ciidanka dowladda ay ku jiraan.
Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa intooda badan gacanta ku haaya Ciidamada xoogag dalka Soomaaliyeed,waxana qorshuhu yahay in goobaha kale ee dagaalamaayasha AS ku sugantahy laga saaro.