Ciidanka xoogga iyo Daraawiishta Jubbaland oo guulo ka sheegtay dagaal ay Al-Shabaab la galeen

Ciidanka xoogga iyo Daraawiishta jubbaland ayaa sheegay inay  burburiyeen Fariisimo dagaalamayaasha Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Miido ee Gobolka Jubbada hoose.

Howgal qorshaysan oo ay sameyeen Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee kumandooska Danab ayaa ka dhacay meel udhow tuulada miido oo 26-KM u jira Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada ayaaana sheegay in ay halkaa ku dileen inta la xaqiijiyey ilaa 7 dagaalame oo uu kujiro xubin sare  lagu magacaabo Asad,  waxana intaa ay ku dareen Saraakiishu in Howlgalkaasi Alshabaab looga dhaawacay 5 kale.

Ciidanka xoogga iyo Daraawiishta jubbaland ee Howlgalkaasi hoggaaminaya ayaa waxaa ay intaa ku dareen in hawlgalkaasi lagu soo furtay 4-qori oo ah nooca AK47, 1-qori oo BKM ah sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab Taliye Carab dheeg Axmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply