Ciidanka Xoogga dalka oo Weerar Culus ku qaaday degaan ay ku sugnaayeen AL-Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka ayaa la sheegay in ay Weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan dagaalamaayasha  Al-shabaab oo isku Urursanayey deeganka Sinadhaqo oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Ciidanka ayaa weeraray ceelka Sinadhaqo oo Al-Shabaab ay isku aruursaneeysay waxaana hada socda Howlgal ay wadaan Ciidanka oo garab ka helaaya dadka deegaanka

Waxaa la xaqiijiyay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo ilaa iyo hadda aan la xaqiijin tirada rasmiga ah, maaddaama sida la sheegay weerarka ay qaadeen Ciidanku uu ahaa mid aad u xooggan.

Hawlgaladada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa ka socda Gobolada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan kuwaas oo hawlgaladii ugu dambeeyey guulo ay ka sheegteen Ciidanka Dowladda iyo dadka degaaanka.

Sidoo kale Ciidanka Dowladda ayaa goordhow la wareegay gacan ku heynta deegaanka Booco oo qiyaastii 50-KM koonfur kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor