Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay hawlgalo Burburin ah Ka sameeyey degaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeellaha Hoose .

Hawlgalkaan  oo u jeedkiisu ahaa sida ay sheegeen Ciidanka Xoogga Dalka  Burburinta goobaha aykaga sugan yihiin Gobolkaasi, ayaa waxaa ay guri-guri  u bareen guryihii ku yaalay degaanka Mubaarak.

Intii lagu gudo jiray baritaanka, Saraakiisha  Ciidanku waxaa ay sheegeen in ay ku gulaysteen in ay burburiyaan goobo ay Al-shabaab ku farsamayn jireen walxaha qarxa iyo goob ay ku kaydin jireen dawooyinka.

Sida ay Idaacadda Ciidamadda Qalabka  u sheegeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee hogaaminayo howlgalka waxaa ay ku guulaystay inay soo qabtaan  dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo  ku sugnaa  degaanka, waxaana ka mid ahaa dadka lasoo qabtay  xubin sare oo Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda degaanka Mubarak, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Salmaan.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kaseeyaan Gobalka Shabeellaha Hoose, waxana inta badan ay sheegaan in ay kaga golleeyihiin sidii degaanadaasi looga saari lahaa dagaalamayassha Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor