Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka fuliyay Gobolka Sh/dhexe

Taliska Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal ay Ciidanka Ciidanka Xooga dalka ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.

Howlgalka ayaa xooggiisa ka dhacay wadada xiriirisa  magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar,halkaas oo Al-shabaab mararka qaar ka geystaan weeraro kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad Maxamed Axmed Tareedisho oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay fariisin ka sameysteen deegaano ku dhow wadada si ay Shacabka uga difaacaan dhibaatooyinka.

Sidoo kale, Taliye Tareedisho ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay bur buriyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeelaha Dhexe,isla markaana ay dileen 15 Al-shabaab iyo Saraakiil isugu jira waa sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan booqday fariisimo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameysteen deegaanada ku teedsan wadada sida Qalimow iyo Haanta dheer oo ka wada tirsan Gobolka Sh/dhexe.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media