Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay howgallo ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali Ganeey iyo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in halkaas ku dileen dagaalamayaal ka titsan Al-Shabaab.
Saraakiisha hogaaminaysay howlgal-kaasi ayaa u sheegay Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida in ay ka war heleen in xubno Al-Shabaab ka tirsan ay Tuulada Quulaale ku abaabulayeen weerraro ay kusoo qaadaan degaano hoostaga degmada Maxaas sidaasina ay Ciidamada howlgalka ugu qaadeen sida uu sheegay Sarkaal kaasi ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.
Howl-galka inta uu socday ayay sarakiisha waxa ay intaa ku dareen in howlgalkaas ay Al-Shabaab looga dilay 7 kamida dagaalamayaashooda, halka dhaawaca uu gaarayo 17 ruux waa sida u hadalka u dhigaye Sarkaalkaasi, sidoo kale waxaa ay sheegeen Saraakiishu in Ciidamdu ay ka gubeen Gaari dagaal oo Biijii ah kaas oo ay uga qeyb qaadan jireen dagaalada iyo weerarada ka dhaca Gobolka Hiiraan.
Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad kornail Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa ugu dambeyn waxaa uu sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo degaannada wali ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.