Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal ballaaran oo sifeyn ah ka sameeyay degaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Ujeedada howlgalka ayaa ahayd in Al-Shabaab laga saaro goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, isla markaana la xoojiyo amniga iyo nabadgelyada degaannadaas.
Howlgalka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray degaanno ku teedsan wadooyinka muhiimka ah iyo meelaha ay kooxda Al-Shabaab uga soo abaabulaan weerarada. Ciidamada ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen howlgalka, iyagoo ku guuleystay in ay ka sifeeyaan dhulkaas waxyaabaha khatarta ah, sida miinooyinka iyo kooxaha ka tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale, saraakiisha ciidanka ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaalka joogtada ah ee lagu baacsanayo Al-Shabaab, waxaana lagu wargeliyay shacabka ku nool degaannadaasi in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida degaanka. Howlgalkan ayaa noqonaya mid kamid ah qorsheyaasha ay dowladda federaalka iyo Jubbaland ka wadaan gobolka Jubbada Hoose, oo muddo badan dagaal ku jirey.