Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabellada hoose waxa ay ku soo qabteen qaraxyo,waxaana Saraakiisha Ciidanka horkacaya ay sheegeen in ay Al-shabaab ay ku diyaariyeen qaraxyadaasi duleedka bariire.
Taliyaha ururka 143 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgallo ay saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada xoogga ka wadeen lagu soo qabtay qaraxyo.
Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sidoo kale sheegey in ciidamada xoogga dalka ay soo saareen qaraxyo qaraxyo kale oo sida uu sheegay dagaalamayaasha Al-shabaab ku aaseen Tuuloyin hoostaga gobolka shabellada hoose
Hawlgalka qaraxyada lagu soo qabtay ayey saraakiisha xoogga dalku sheegeen in lagu dilay xubno ka tirsan Shabaab kuwaasi oo uu tiradooda ay gaarayso  sida ay sheegen Saraakiishu 13-ruux.