Ciidanka Somaliland oo Maanta la wareegay Degmo ay isaga baxeen Ciidamada Puntland

Wararka aan ka heleyno degmada Boocame ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka halkaas ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Somaliland oo degmada gaaray.

Ciidamo kamid ah Booliska dowlad Goboleedka Puntland oo ku sugnaa Boocame ayaa la xaqiijiyey inay isaga baxeen degmadaas, waxaana durbadii tegay Ciidamo kamid ah Somaliland oo qabsaday.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyey in gebi ahaan Ciidankii Puntland ay isaga baxeen degmada, isla markaana xarumihii iyo Saldhiga Boocame ay la waregeen Ciidanka Somaliland, kuwaasi oo la tilmaamay inay wateen gaadiid badan.

Weli lama oga sababta Ciidankii Maamulka Puntland uga baxeen degmada Boocame ee Gobolka Sool, kuwaasi oo aaday deegaano kale, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka oo ku aadan ka bixinta Ciidamada ee degmadaas.

Si kastaba, degmada Boocame ee Gobolka Sool ayaa ahayd degmada kali ah ee Maamulka Puntland gacanta kaga haayay Gobolkaas, Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dhowr jeer oo horey degmooyin kala qabsaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor