Ciidanka Somaliland oo Duqeyn culus ka geystay Laascaano & Dagaalka oo maalintii 7-aad socda

Waxaa maalintii 7-aad oo xiriir ah  dagaal culus uu ka socdaa magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeya ciidanka maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka SSC ee hubka qaatay, kana soo horjeeda maamulka Muuse Biixi Cabdi.

Hubka culus ayaa laga maqlayaa saaka magaalada iyo duleedkeeda, waxaana ciidanka Somaliland ay madaafiic ku garaacayaan xarumo ku yaalla Laascaanood, iyagoona isku dayaya inay soo galaan gudaha magaalada, balse dagaal adag ay ku jiraan ciidanka degaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Laascaanood ay xalay la kulantay duqeyntii ugu xumeyd tan iyo markii uu bilowday dagaalka, waxaana madaafiicdaas oo socday muddo saacado ah ay sababeen inuu dab qabsado dhismeyaal ku yaalla halkaas.

Weli lama oga khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeynta culus ee xalay ay marti gelisay Laascaanood, marka laga yimaado burburka xoogan ee ay u geysteen xaafadaha iyo dhismayaasha kale, sida lagu arkayay muuqaalo lasoo duubay.

Ugu yaraan 70 qof  oo ay ku jiraan shacab ayaa ku naf waayey dagaalka todobada cisho ka sii socda Laaascaanood halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 boqol oo kale sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor