Ciidanka Sirdoonka gaarka ah ee Puntland oo Howlgal ka fuliyay Gobolka Bari

Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaan Daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan Ciidanka Sirdoonka gaarka ah ee PISF iyo kuwa PMPF ayaa howgallo Culus waxaa ay ka fuliyeen Gobolka Bari.

Howlgalada oo saacadihii lasoo dhaafay socday ayaa Saraakiisha Ciidanka waxaa ay sheegeen in u jeedka Howgalku ahaa mid ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish oo ay sheegeen in ay degaanadaasi fariisimo ku leeyihiin.

Buuraleyda Golis iyo Cal-miskaad ayay Ciidanku si gaar ah kaga fuliyeen howlgalka, waxaana la sheegay in saldhigyo ay weerareen.

Saraakiisha ammaanku wax faah faahin intaa dheer kama aysan bixin howgalka, sidoo kale lama oga khasaaraha ka dhashay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor