Ciidanka Puntland oo gacanta kusoo dhigay Nin dil u geystay qof shacab ah

Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ee Gobolka Bari ayaa gacanta kusoo dhigay Nin ku eedeysan inuu dil u geystay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdirashiid Cabdiraxmaan, falkaas oo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Taliska Booliska Bari oo qoraal shaaciyay ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada amniga Puntland ay gacanta kusoo dhigeen Ninka dilka geystay, kadib howlgalo baaritaano ah oo ay ciidamada ka sameeyeen xaafaddaha kala  duwan ee magaalada.

Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sarre Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa waxaa uu sheegay in eedeysane Maxamed Cabdirashiid Cabdiraxmaan la horgey doono sharciga, isla markaana laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

Taliyaha ayaa Sido kale Bulshada ugu baaqay cid kasta oo isku dayda Khalkhal amni darro iney Sameyso iney ku danbeyn doonto Gacanta amniga Sharciga La horkeeni doono .

Taliye C/qaadir Ayaa umahadceliyey Bulshada oo qeyb ka ahaa Sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa Gacan ku dhiiglaha.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: