Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Daacish

Howlgal ciidamada amaanka ee dowladda fedraalka Soomaaliya ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho ayay sheegeen in ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan dhowr qof oo lala xiriirinayo ka mid ahaanshaha Alshabaab.

Ciidamada amaanka ayaa tilmaamay howlgalkaan oo ka dhacay banaanka magaalada in ay u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan laba xubnood oo ka tirsan Daacish iyo hubkii ay ku howlgelayeen.

Qoraal lagu daabacay barta twetterka ee Nisa ayaa lagu yiri ” howlgal hay’adaha amnigu ka fuliteen banaanka magaalada Muqdisho waxa ay gacanta ku soo dhigeen labs xubnood oo ka tirsan Daacish iyo hubkoodii iyaga oo maleegayay dilal loo geysto dad shacab ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media