Ciidanka Police-ka Kenya ayaa dilay nin loogu shakisanaa inuu yahay Al-Shabaab iyo laba carruurtiisa ah oo uu gabaad ka dhiganayey halka afar kale oo ay ku jirta xaaskiisa dhaawac ku soo gaaraay hawl-gal gurigiisa lagu qaaday xalay, kaasi oo ku yaala deegaanka Kwale oo dhaw Mombasa.
Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalkaasi ayaa sheegay in ninkan lagu magacabi jiray Maxamed Mapenzi uuna la dagaalamay Police-ka ka hor inta aysan khaarijin isaga.
“Maadaama ay saraakiisha ciidanka isu diyaarinayey in ay u dhacaan guriga laga shakisanaha, waxa uu durbadiiba furay albaabka waxa uuna soo tuuray garneel(hub) taasi mid kamida dhaawac ka soo gaarayâ€, Sidaas waxa lagu yiri warbixinta Police-ka oo ay aragtay Jariirada.
Warkan waxa uu intaasi ku darayaa in 3-dex carruur iyo hooyadood oo dhaawaca la dhigay cusbitaal.
Dilka ninkan lagu tuhunsanaa Al-Shabaab ayaa imaanaya bil kadib markii ay sidan oo kale laba nin oo loogu shakiyey Al-Shabaab-nimo lagu dilay deegaanka Kwale iyo Likoni oo dhanka xeebta dalkaasi dhaca.