Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ayaa la sheegay inuu dagaal ku dhex maray Deegaanka Fiino ee Degmadda Mandhera ee W/bari ee dalkaasi.
Guddoomiyaha Gobalka W/bari Kenya, Mohamed Nirik ayaa xaqiijiyey inuu dhaacay iska horimaadkaasi oo lagu dilay Askari ka tirsan Boliska Kenya ee NPP iyo Dagaalame ka tirsan Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa kale oo uu sheegay inay tiro aan la aqoonin ku dhawaacmeen dagaalkaasi oo ay Alsahabaab iyo Ciiddanka Kenya fool-ka-fool ugu dagaalameen Tuulladda Dawaduba ee Deegaanka Fino.
Dagaalamayaasha weerraka geystay ayaa la sheegay inay gudaha u galeen Deegaanka Fino oo 6 KM u jira xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.ma aha markii ugu horreysay ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab weeraro ka geystaan Deegaanka Fino, waaxayna horey u beegsadeen, ila markaana burburiyeen Taawarada Shirkadaha Isgaarsiinta Kenya ee ku yaalla Deegaankaasi.