Ciidanka ka tirsan Millateriga Soomaaliya oo lagu weeraray Gobolka Galgaduud

Wararka aan ka helayno Gobolka  Gaduud ee Bartamaha Soomaaliyqa ayaa kuwarramaya in goordhaweyd Ciidan ka tirsan Millateriga Soomaaliya lagu Rasaaseyay Gobolkaasi, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaaawac.

Ciidanka oo ku socdaalaayay duleedka Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in rasaas la huwiyay, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan, iyadoo la sheegay in malleyshiyaad hubeysan ay ka dambeeyeen falkaasi lagu rasaaseeyay Ciidanka Millateriga Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in ay maqlayeen rasaasta, wali ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, balse  waxaa jira khasaaro soo gaaray Ciidanka waddada loo galay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media