Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB oo fuliyay howlgal lagu burburiyey Saldhigyo

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka DANAB gaar ahaan ururka 5aad ee guutada 16 aad ee CXD ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo wadajir ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa DANAB ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyey tuulada Kaamjaroon iyo deegaano kale, kana tirsan Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada sii daayeen wax ay ku tilmaameen Maxaabiis ku xirneyd tuulada Kaamjaroon, isla markaana markii halkaas gaareen Ciidanka ay isaga tageen shabaabkii joogay.

Sidoo kale Taliska NISA JB ayaa intaas kusii daray in howlgalka inta uu socday lagu burburiyey Saldhigyo ay sheegeen inay Al-shabaab ku lahaayeen tuulada Kaamjaroon iyo deegaanada hoos taga sida Kaliil, Dhalajo, Reebaay iyo Yaaqxaluul.

Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa DANBA ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar kala duwan howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab ka fuliyea deegaano kamid ah Jubbada Hoose, waxaana xusid mudan in Ciidanka xiliyada qaarkood ay iska caabin kala kulmaan Al-shabaab oo ku sugan degaano ka tirsan Gobolkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor