Wararka aan heleyno degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidankii ka socday dowladda Itoobiya ee ku sugnaa gudaha degmadaas laga daad-gureeyay.
Dad ku sugan Doolow ayaa soo weriyay in Ciidanka Itoobiya ay gebi ahaayeen ka guureen saddex Saldhig oo gudaha Magaalada iyo duleedka ku lahaayeen, isla markaana halkaas ay ka qaateen agabkii Malateri ee u yaallay.
Ciidanka Itoobiya oo muddo ku sugnaa degmada ayaa la sheegay in loo daad-gureeyay Magalaada Addis Ababa, iyagoona lagu qaaday diyaarado nooca dagaalka, waxaana saldhigyadii ay joogeen la geeyay Ciidamo Cusub.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Liyu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu bedelay Ciidankii Itoobiya ee ku sugnaa degmada Doolow ee Gobolka Gedo, kuwaasi oo la dejiyay saldhigyadii ay ku sugnaayeen Itoobiyaanka.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in sababta loo daad-gureyay Ciidanka Itoobiya ay tahay mid la xiriirta xiisadaha ka Jira dalkaas gaar ahaan tan u dhexeeysa Mamulka Tigrega iyo Dawladda Fadaraalka dalkaas.
Dadka shacabka ah ee kunool degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa Maanta aad u hadal u haaya tegitaan degmadaas ee Ciidanka Liyu Booliska ee dowlad deegaanka Soomaalida.