Ciidanka Dowladda oo Maanta Howlgal Isbaaro qaadis ah fuliyay

Ciidamo ka tirsan Guutada 7-aad qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay howlgal Isbaaro qaadis ah ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla duleedka Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa amar ku bixisay in  gabi ahaan la qaado Isbaarooyinkii yaallay deegaano ku yaalla duleedka Wanla-weyn, kuwaasi oo ay dhigteen rag maleeshiyo beeleed oo halkaas dega.

Howlgalka Isbaaro qaadista ah ayaa waxaa hoggaaminayay G/le Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar, waxaana isaga oo la hadlay warbaahinta uu sheegay in la qaaday Isbaarooyin dhowr ah oo dhibaato ku haayay Degmada Wanla-weyn.

Waxaa uu sheegay Taliye Cumar Cabdiraxmaan in laga bilaabo Maanta aysan jirin doonin cid maleeshiyo beeleed ah oo hub ku dhex wadata gudaha degmadaas, isla markaana cidii lagu arko sharciga la horkeeni doono.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaa uu Ciidamada Danab ee ku sugan degmada Wanla-weyn uu ku amray inay nolol ama geeri kusoo qabtaan dadka dhibaatada ka wada gudaha degmadaas ee dadka sida xun u dilaya.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa siweyn uga carooday dhacdooyin xun oo ka dhacay Wanla-weyn, kuwaasi ah ah in qof inta la dilo, kadibna Meydkiisa la gubay, sidoo kalena laga soo duubay Muuqaalo laguna faafiyay baraha Bulshada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media