Ciidanka Dowladda oo Maanta Dagaal la’aan la wareegay deegaanka Moqokori

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saakay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle oo ka mid ah deegaanada ay muddo ku sugnaayeen Shabaabka.

Taliyaha ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdi Muumin Cilmi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u xaqiijiyay in Al-shabaab isaga baxeen deegaanka kahor inta aysan ciidanka gaarin halkaas.

Taliyaha ayaa sido kale sheegay in ciidanka xoogga ay la wareegeen deegaanka Tardo oo ku dhow deegaanka Moqokori isla markaana si buuxda ay gacanta ugu haayaan, ayna halkaas kasii wadaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee loo yaqaano Macwiileyda ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay la wareegayeen deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galmudug, iyagoona dagaalo ka galay Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor