HomeWararCiidanka Dowladda oo Maanta Al-shabaab kala wareegay degaanka Cadcadeey

Ciidanka Dowladda oo Maanta Al-shabaab kala wareegay degaanka Cadcadeey

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Milateriga iyo Ciidanka deegaanka ee loo yaqaan macwiisleyda ayaa Maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Cadcadeey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada dowladda iyo kuwa macwiisleyda ayaa dagaal la’aan qabsaday deegaanka Cadcadeey oo ay muddo sannado ah ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo la sheegay inay isaga baxeen deegaankaas, sidaasina ugu suuragashay Ciidamada inay la wareegaan.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka oo uu kamid ah Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Jeneraal Axmed Maxamed Calasow Treedishe ayaa sheegay in Ciidanka ay si nabad ah saaka oo khamiis ah ku gaareen deegaanka Cadcadeey ee Shabeellaha Dhexe.

Wuxuu intaas kusii daray Taliye Tareedisho inay sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolka, isla markaana ay kusii wajahan yihiin deegaano kale oo ay Shabaabka ku sugan yihiin oo ay kamid tahay Runnirgood.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Milateriga iyo Ciidanka deegaanka ee loo yaqaan macwiisleyda ayaa horey Shabaab ula wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay sanno badan ku sugnaayeen Al-shabaab.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories