Ciidanka Dowladda oo la wareegay degaan ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaao duleedka ka ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowlada iyo AMISOM ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanka luuq jeeloow oo la sheegay in muddo badan ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, hayeeshee ay la wareegeen Ciidanka dowladda.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan Gen. Saalax Yacquub ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka laga sameeyay deegaanka luuq jeeloow oo 25-KM dhinaca kaga beegan Baladweyne.

Waxaa uu sheegay Abaanduulaha in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo Ciidamada ay kula wareegeen luuq jeeloow oo muddo badan ay fariisimo ku lahaayeen Al-shabaab, isla markaana ay lacago ku qaadi jireen, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Abaanduulaha ayaa waxaa uu tilmaamay in howlgalka uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo uu sheegay inay gaarsiiyeen Al-shabaab, isla markaana ay Ciidamada soo furteen rag u xirnaa.

Ugu dambeyn Gen. Saalax Yacquub ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka ay sii wadi doonaan ayna doonayaan inay gacanta ku dhigaan deegaano ka tirsan Gobolada Hiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media