Ciidanka Dowladda oo fuliyay Howlgal miinooyin lagu soo saaray 

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal Miino baaris ah ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay deegaano kala duwan, iyagoona sigaar ah ah Miinooyin dhowr ah uga soo saaray inta u dhexeeeysa deegaanka Jalaane iyo Bufow Bacaad oo marar kala duwan oo horey looga soo saaray qaraxyo miino ah.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalkaas ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in miinooyinkaas ay dhulka ku aaseen xubno ka tirsan Al-shabaab si dadka loogu dhibaateeyo.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa uu yahay Gobol inta badan gaadiidka Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM lagula eegto qaraxyo miinooyin ah, waxaana xusid mudan in Ciidanka dowladda ay xiliyada qaarkood halkaas ka sameeyaan howlgalo miino baaris ah..

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media