Ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya oo gaaray deegaano lagu dagaalamay

Wararka aan ka heleyno Gobolka Galgaduud gaar ahaan Xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay ay gaaareen Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, kadib shalay halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee Liyuu Boolis iyo dad xoolo dhaqato ah, waxaana uu sigaar ah uga dhacay deegaanada Boorancad iyo Seejo, kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud la gaarsiiyay 10 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba, isla markaana haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayaa halkaas.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa kala dhexgalay Ciidanka Liyuu Boolis iyo dadka xoolo dhaqatada ahaa ee shalay ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan kuwa dhaca  Xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanadaas naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada Maanta ay tahay mid degan oo aan la maqleyn wax rasaas ah oo halkaas ka dhaceysa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media