Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxay warar kala duwan oo dagaalkaasi ku aaddan, iyadoo lasoo sheegayo in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay dagaalka.

Warar ku waxaa ay sheegayaan in dagaalku uu ka dhacay Deegaanka Bacda oo Hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay isku ballaariyeen degaanno dhowr oo ka tirsan Gobolkaasi, waxaana la sheegay in Ciidanka Dwoladda oo ku sugnaa degaanka lagu dagaalamay ay dagaal kala kulmeen.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in wali labada dhinac ay isku dhaw yihiin saacad walibana uu halkaasi dagaal ka dhici karo, waxaana degaanada hoostaga degaanka Bacda laga dareeemayaa saan saan dagaal iyo dhaq-dhaqaaq ay wadaan Ciidanka Dowladda ee ku sugan degaanadaasi.

Wali lama xaqiiin Khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalkaasi, waxaana dad goob joogyaal ah ay sheegeen in khasaaro dhaawac u badan uu jiro, balse aysan xaqiijin karin, maaddama ay adag tahay in la helo xogta rasmiga ah ee dagaalkaasi u dhexeeya dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Ciidanka Daowladda.

 

 

Comments
Loading...