Ciidanka Booliska Puntland ee ka howlgala Raasa’casayr ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan rag burcad badeed ah, hubkoodii, iyo gaadiid badeed ay wateen. Howlgalkan oo si heer sare ah loo fuliyay ayaa socday 24-kii saac ee ugu dambeeyay, waxaana hoggaaminayay Taliyaha Saldhigga degmada Bareeda, Xidigle Maxamed Xasan Ciise. Ciidanku waxay soo qabteen dooni ay burcad badeedku wateen, hub fara badan, iyo saddex ka mid ah burcad badeedda, iyadoo weli uu socdo howlgalka lagu baadigoobayo afar kale oo ka tirsan kooxdan.
Ciidamada Booliska Raasa’casayr ayaa sheegay inay ku raad joogaan cid kasta oo isku dayda inay khalkhal geliso amniga deegaannada Puntland, iyagoo ballan qaaday inay tallaabo adag ka qaadi doonaan kuwa falalka amni darro ku hawlan.
Booliska Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada in ay ka qeybqaataan sugidda amniga, iyagoo ku boorriyay inay soo sheegaan wax kasta oo ay ka shakisan yihiin ama falal amni darro oo ay arkaan. Haddii aad ku sugan tahay gudaha dalka oo aad haysid xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada amni darro, waxaa lagu adkeynayaa in aad si degdeg ah ula xiriirto laamaha amniga Puntland si loo hubiyo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada.