Ciidanka amniga oo toogtay 4 Ruux oo Muqdisho Dil ka fulin rabay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta Muqdisho ku toogtay rag doonayay inay dil u geystaan Agaasimaha Howlaha Wasaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidanka ay dileen 4 ruux oo mid kamid ah ay aheyd haweeney oo hubka u siday,kuwaasi oo dili rabay Abdi Gare oo ah Agaasimaha Howlaha Wasaradda Waxbarashada.

War qoraal ah oo barteeda Facebook ay kusoo qortay Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku xustay in dadka la dilay iyo Ciidanka amniga ay dhexmartay Israsaaseyn.

“Ciidanka Booliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday”ayay tiri Zakiya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media