Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgal ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir,kaasi oo horey u sheegeen laamaha amniga dowlada in lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda.
Ciidamada ayaa howlgalkaas intiisa badan ka sameeyay Xaafado bartilmaameed u ahaa,isla markaana waxaa ay kusoo qabteen dad u badan dhalinyaro,kuwaasi looga shakiyay falal amnidarro.
Dad ku sugan degmada Howlwadaag oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in Ciidanka xalay ay baaritaano kala duwan ku sameeynayeen Guryo ku yaalla halkaasi,iyadoona barxad isugu keenay dhalinyarada oo qaarkood  la sii daayay,halka kuwo kelana ay wateen.
Inta badan xiliyadii Habeenkii ah ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxa howlgal amniga lagu xaqijinayo ka sameeyaan degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir,iyadona Taliska Booliska uu horey u sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan.