Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan AL-Shabaab oo doonayay in gudaha Caasimadda ay ka fuliyaan qaraxyo.
Ciidanka Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen waxaa la sheegay inay ku qabteen afar dagaalame oo ka tirsanaa AS, kuwaas oo waday miinooyin sida saraakiisha ammaanka ay sheegeen.
Xubnaha la qabtay ayaa qorsheynayay in dhowr meelood ay bartilmaameedsadaan sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ammaanka.
Tan iyo markii muqdisho uu ka dhacay Qarax khasaare badan dhaliyay oo lala beegsaday dad shacab ah, Ciidanka ammaanka ayaa labajibbaaray howgalada ka dhanka ah dagaalamaayasha AS.