HomeWararCiidan dharcad ah oo Dalka Koofur Afrika ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Ciidan dharcad ah oo Dalka Koofur Afrika ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Warar dheeraada ayaa kasoo baxaya dil Xalay dalka Koofur Afrika loogu gaystay Muwaadin Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkaasi, waxaana dilku uu si gaar ah uga dhacay Motherwell oo ka tirsan Gobalka Eastern Cape. Marxuumka ayaa lagu magacaaabi jiray Maxamed Deeq Madar oo loo yaqaanay Carab, waxa uu ku baxay Gacanta Ciidamo dhar cad ah oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraada ayaa kasoo baxaya dil Xalay dalka Koofur Afrika loogu gaystay Muwaadin Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkaasi, waxaana dilku uu si gaar ah uga dhacay Motherwell oo ka tirsan Gobalka Eastern Cape.

Marxuumka ayaa lagu magacaaabi jiray Maxamed Deeq Madar oo loo yaqaanay Carab, waxa uu ku baxay Gacanta Ciidamo dhar cad ah oo sida la sheegey doonayey inay Dukaanka ka baaraan Hub Sharci darro ah.

- Advertisement -

Dilka Marxuumka ayaa yimid sida wararku sheegayaan kadib markii  Ciidanka dharcadda ah aysan isku sheegin waxa ay yihiin, waxaana taasi ay keentay in Dhallinyarada Dukaanka joogtay ay ka shakiyeen oo waxay u qaateen Tuugo soo weerartay maadaama aysan cadeyn ama Calaamad Askareed ka muuqan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Carab, ayaa Bistoolad sharciyeysan watay oo durbadiiba dib u baxay kala shakigaas ayeyna xabaddu ku bilaabatay, israsaaseyntaasi ayaa haleeshay marxuumka oo uu u Geeriyooday, Halka mid kamida Askarta uu ku Dhaawacmay.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Gobalka Eastern Cape Siciid Sujuu, ayaa sheegey inay Sharciga la tiigsan doonaan Askartaas weerarka gaysatay ee toogatay Muwaadinka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Dalka Koofur Afrika ayaa ka mid ah dalalka sida weyn logu dhibaateeyo Soomaalida,w axaana wararakii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Booliska dalkaasi ay Baaritaano wadaan, waxaana xabsiga loo taxaabay Wiilashii kale ee ka shaqaynayey Dukaanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts