Ciidamo u socday gurmad oo Qarax lala eegtay iyo khasaaro ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya lagula eegtay Taliye ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qarax oo ahaa miino ahaa ayaa lala beegsaday gaari Tikniko ah uu la socday Taliyihii Ururka Qeybta 43-aad Guutada-10aad-Ururka-49 ee Ciidanka dowladda, xili uu marayay deegaan duleedka ka ah Magaalada Baardheere.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa xaqiijiyay in Taliye Maxamed Dheere uu dhaawac Culus kasoo gaaray qaraxii lala eegtay, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah Ilaaladiisa, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Taliye Gashaanle Maxamed Dheere ayaa xiligii qaraxu qabsanayay gaarigiisa kusii jeeday deegaanka Kormalay oo saakay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, waxaana halkaas uu Taliyaha ugu u socday gurmad ahaa.

Dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, waxaana ku geeriyooday inta la xaqiijiyay Askari oo dhinaca dowladda ah, halka laba dagaalame oo kamid ahaa Shabaabka ay dhinteen.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Kormalay ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda ay wadaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo, isla markaana xaaladda deegaankaas ay tahay mid degan, kadib dagaalkii Maanta dhacay.

Comments
Loading...