Ciidamo Milateri ah oo xalay la wareegay Xarunta Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir

Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee xalay la wareegay Xarunta Maamulka degmada Howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir, sida ay xaqiijinayaan qaar kamid ah dadka degan agagaarka Xarunta degmadaas.

Ciidamada Milateriga oo watay gaadiidka nooca dagaalka ayaa galay Xarunta degmada, lana wareegay, isla markaana xiray waddooyinka soo gala degmada oo la sheegay in Maanta la qorsheeyay inay ka dhacdo Munaasabad xil-wareejin ah.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada tagay Xarunta degmada Howlwadaag ay kasoo horjeedaan in xaruntaasi ka dhacdo xil-wareejin, kadib khilaaf uu ka dhashay xilka qaadis lagu sameeyay Guddomiyihii hore ee degmadaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ah Gobolka ayaa lagu waday inay la qeyb galaan Munaasabadda xil-wareejinta Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada Howlwadaag.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka oo ku aadan talaabada ay Ciidamada Milateriga kula wareegeen Xarunta degmada, sidoo kalena illaa iyo hadda lama oga cidda ay ka amar qaataan Ciidamada Milateriga ah ee la wareegay Xarunta Howlwadaag.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor