Ciidamo Maanta kala dhex-galaya Maleeshiyaad dagaalamay

Maamulka Galmudug ayaa Maanta Ciidamo badan u diray deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaano dhaca dhanka Xuduudka Itoobiya oo shalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed.

Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Ciidamadan oo wata gaadiidka nooca dagaalka ay Goordhow ka baxeen halkaas, iyagoo kusiii jeeda deegaanka Furinta-foore ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud ee dagaalka uu ka dhacay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhexmaray Maleeshiyaadka,waxaana geeriyooday dad ku dhow 15 ruux oo labada dhinac ah, halka tirro intaas ka badan ay dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada la geeyay Isbitaalo ku yaalla Magaalooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq.

Sidoo kale deegaanadii lagu dagaalamay ayaa waxaa lagu wadaa inay gaaran Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, si ay uga qeyb qaataan joojinta iyo xalinta dagaalka ka dhacay Deegaanka Furinta-foore ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Si kastaba deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa kusoo soo lab-laabtay dagaal beeleedyo salka ku haayan aanooyin qabiil iyo dul-daaqsimeedyo ku yaalla halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media