Ciidamo la wareegay Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la soo sheegayaa in ay la wareegeen ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho,oak markaana ay isagabtageen ciidamo boolis ah oo kubsugnaa.

Gabaldhicii Caawa ayaa la sheegay in Ciidamo isugu jira xasilinta iyo Koofi Gaduud  lagu arkay Xarunta Golaha Shacabka xili ay soo baxeysay digniin ku saabsan in berito uu qabsoomo kulankii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka.

In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn waxyaabaha sababay Ciidamada la geeyay Xarunta Golaha Shacabka ayaa hadana waxaa jira khilaaf soo kala dhexgalay Gudoonka Golaha Shacabka,iyada oo lagu eedeynayo inay Xukuumadda masuul ka tahay.

Sabtida Beri ah ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay sheegayaan in Berito kulankoodii caadiga ahaa ay qabsan doonaan halka kuwo kale ay diideen,waxaana jira mooshin xiisad dhaliyay oo laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media