Ciidamo la wareegay amniga degaan ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleed

Deegaanka Qalaanqale ee ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu maalmo kahor dagaal Khasaaro geystay ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Dagaalkaas ayaa marka hore waxaa uu ka dhashay dhul-daaqsimeed ku yaalla Qalaanqale, waxaana Maleeshiyaadka halkaas uga dhintay 6 ruux, halka in ka badana 10 qof dhaawac uu soo gaaray.

Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo kuwa Nabadsugida qeybta 21-aad ayaa kala dhex-galay maleeshiyaadkii ku dagaalay deegaanka Qalaanqale ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Nabadsugida Mahdi Cunar Muumin, Taliyaha Hawlgalinta Milatariga qaybta 21-aad Cali Cagawayne iyo saraakiil dhanka milatariga ah ayaa ku sugan deegaanka, iyagoo la wareegay Amaanka guud ee deegaanka si uusan mar kale dagaal u dhicin.

Dhinaca kale Qalaanqale ayaa waxaa kulamo lagu xalinayo dagaalka ka dhacay halkaas ka wada Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, iyagoo la kulmay waxgaradka maleeshiyaadka dagaalamay, isla markaaana kala hadlay joojinta Colaada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media