Ciidamo la kulmay dhibaatooyin badan oo magan galay Hay’ad Caalami ah

15 Askari oo ka mid ah Ciidanka Ethiopia ee qeybta ka ah Hawlgalka QM ee dalka Koonfurta Sudan  (UNMISS) ayaa la sheegay inay la kulmeen dhibaatayn aan kala sooc lahayn, sababo la xiriirta iyagoo ka soo jeeday Qowmiyadda Tigrayga.

Wargeyska Sudan Tribune waxa uu maanta qoray in 15-ka Askari ee asal ahaan ka soo jeeda Qowmiyadda Tigrayga in lagu xiray, laguna jir-dilay Garoonka Diyaaradaha ee Jubba Airport oo ku yaala caasimadda dalka Koonfurta Sudan ee Jubba.

Wargeyska waxa uu bidhaamiyey  in la rumeysan yahay in Askar aan Tigray ahayn ay si aan kala sooc lahayn ugu tacadiyeen 15-Askari ee ka soo jeeda Qowmiyadda Tigrayga.

Afhayeen u hadlay QM waxa uu  sheegay in 15-ka Askari ee la jir-dilay ay haatan magan-gelyo ka heleen Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ku leedahay caasimadda dalka Koonfurta Sudan ee Jubba.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, Stephane Dujarric waxa uu sheegay in 169 ka mid ah Ciiddanka Nabad-ilaalinta Ethiopia la filayey inay ka dhoofaan dalkaasi, si loogu soo bedelo Ciiddamo kale oo cusub.

Waxa uu intaasi sii raaciyey inay Hay’adda UNHCR ku baraarugsan tahay arrintaasi, oo ay Dowladda Koonfurta Sudan wada-xaajodo kala leeyihiin. Ciiddanka Nabad-ilaalinta Ethiopia ee ku sugan dalkaasi waxaa la sheegay inay Dowladda Sudan taageeri jireen.

Comments
Loading...