Ciidamo ku sugan Iraq oo la daad-gureyn doono

Ra’isul-wasaaraha New Zealand, Jakinda Ardern waxay maanta shaacisay inay Ciiddankooda kala bixi doonaan Iraq sannadka soo socda ee 2020-ka.

Waxay intaasi ku dartay in Hawlgalka ay u joogaan Iraq la soo gebagebayn doono, isla markaana ay Ciiddankooda dib ugu soo laaban doonaan NZ marka la gaaro Xaggaaga soo socda oo ku beegan bisha June ee sannadka soo socda.

Dowladda NZ waxay sannadkii hore sheegeen inay Hawlgalka ay u joogeen dalka Iraq ku kordhiyeen muddo 2-sanno oo kale, inkastoo ay maanta ku dhawaaqeen inay Ciiddankooda la soo bixi doonaan sannadka soo socda.

Ilaa 98 Askar aan hubeysnayn ayaa NZ ka jooga dalka Iraq, kuwaasi oo tan iyo sannadkii 2015-kii ku sugnaa Xerada Milliteriga ee Taji ee Waqooyiga magaalladda Baqdaad, si ay u tababaraan Ciiddanka Iraq ee qeybta ka ah Dagaalkii Isbahaysiga Maraykanka kula jireen Kooxda Daacish.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha NZ , Jakinda Ardern waxay Go’aankaasi u gudbisay Ra’isul-wasaaraha Australia, Scott Morrison oo ay dalkiisa 300 Askari ka joogaan gudaha dalka Iraq.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media