Saacadihii u dambeeyay waxaa deegaano ku dhaw dhaw Buuraha Galgala ee gobolka Bari ku sii qul qulayay ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland kadib Go’aankii ka soo baxay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.
Ciidamadaan ayaa ah kuwo si aad ah loo tababaray oo ka tirsan kuwa daraawiishta Maamulka Puntland,kuwaas oo la sheegay in la arkayay iyagoo wata Gaadiidka dagaalka in ay ka kala imaanayaan Magaalooyinka uu ka kooban yahay Maamulk Puntland.
Qaar kamid ah Bulsahda ku nool meelo aan ka fogeen deegaanadii dhawaan lagu dagaalamay ee Af-Urur ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in habeen iyo Maalin ay socdan ciidamadaas islamarkaana ay dhankooda cabsi soo wajahday.
Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay ka Go’an tahay in ay ka aar gutaan Ciidamadii Al-Shabaab ee soo weeraray fariisiinkii Af-Urur,iyagoo ka duulaya hadalkii madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali Gaas.
Puntland ayaa haatan wajaheysa weeraro kaga yimid dhanka Al-Shabaab waxana jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay Maamulkaas.