Ciidamo ku baxay xiisad dagaal oo taagan iyo kulamo dhacay 

Taliyaha qaybta 21-aad iyo ciidamo uu hogaaminayo ayaa ku baxay deegaano hoostaga Magaalada Gaalkacyo oo maalmahan ay ka taagneed shaqaaqo u dhexeysa Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland kuwaas oo isku haya dhul daaqsimeed.

Taliyaha 21-aad General Qooje iyo saraakiisha la socotay ayaa labada dhinac ugu tagey deegaanada taaroge  iyo saaxo Qurun oo dhanka bari kaga beegan Gaalkacyo goobahaasi ayay kula kulmeen waxgaradka.

Saraakiisha Ciidanka ayaa waxgaradka labada dhinac kala hadlay sidii loo joojin lahaa Colaada taagan, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhameyso wadahadal.

Ciidamada milatariga qaybta 21-aad ee ka howlgala Galmudug ayaa inta badan kala dhex gala maleeshiyaadka ku dagaalama deegaanada Galmudug,  iyadoo haatan ku kala dhex jiraan beelo ku dagaalamey deegaano ka tirsan Wuqooyiga Gobolka Galgaduud.

Comments
Loading...