Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland oo Garoowe ku dagaalamay

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamo kawada tirsan maamulkaasi uu ka dhacay Garoowe.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay sida wararku tilmaamayaan ciidamado diiddan doorashada Qof iyo Cod iyo kuwa difaac u ah Saciid Deni Madaxweynaha Maamulkaasi, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare soo kala gaaaray laabda dhinac ee dagaalamay.

Ciidamada dagaalaamy oo isku haya doorashada Qof iyo Cod ayaa waxaa lasoo sheegayaa in haatan xaaladdoodu tahay mid deggan,dagaalkuna uu istaagay, inkastoo sida la sheegay ay Askar iska dileen laabda dhinac.

Sidoo kale Dhaawaca oo aan tiradiisa ilaa iyo hadda la sheegina waxaa qaarkood la dhigay isbitaallada magaalada Garoowe.

Doorashada qof iyo cod ee uu hor boodayo madaxweynaha Maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni ayaa noqotay mid aan la isku raacsanayn, maaddaama ay ka hor yimaadeen maadasha Siyaasiyiinta Puntland iyo Ururada kale, waxaana la aaminsan yahay in haaatan aysan macquul aahyn in puntland ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Taasina waxaa ay keentay in Ciidamadii maamulkaasi ay ku kala qaybsamaan, oo qayb ay la safato dhanka dadka diidan doorashada qof iyo cod, halka qayb kalena ay la safteen  madaxweynaha oo waxaa ay taabacsan yihiin doorasho qof iyo cod ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor