Waxaa Maanta Boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka ay ka dhoofeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoona kusii jeeda dalka Turkiga.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar-dambe iy Saraakiil kale ayaa Garoonka ka sagootiyay Ciidankan oo dalka turkiga u aaday tababar Ciidan.
Sidoo kale Ciidanka Maanta u ambabaxay dalka Turkiga ayaa sigaar ah uga tirsan Ururka Afaraad ee Gorgor ee Ciidamada Kumaandooska dowladda.
Si kastaba maalmo kahor ayay aheyd markii 500 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, kadib markii tababar loogu soo xiray dalka Turkiga.