Wararka naga soo gaaraya deegaanka Teed oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa waxaa y sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaankaas.
Daagal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Teed oo Waxey 30KM Waqooyi Galbeed ka xigtaa Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaas lagu dilay 4 ka tirsan Ciidamada,isla markaana ay iska caabiyeen weerarkii kaga yimid dhanka Al-Shabaab,sidoo aklena ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkaas.
Weerarka kadib Ciidamo ka tagay Magaalada Xudur ayaa gurmad ahaan ugaaray Deegaanka Teed, Gudoomiyaha Xudur ayaa sheegay in Shabaab doonayaan iney Jaraan Wadada kaliya ee Xudur ufuran oo ah dhanka Teed.
Dinaca kale Al-Shabaab ayaa warar ay ku baahiyeen Bogaga Internet-ka waxa ay ku sheegeen in ay la wareegeen Saldhiga ciidamada ee deegaanka Teed,isla markaana ay Ggacanta ki dhigeyn agab Millateri ee yaalay sida ay hadalka u dhigeyn.