Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug  oo Gadooday kana baxay xeryihii ay ku sugnaayeen

Ciidamo ka tirsan Darawiishta Maamul Goboiledka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in ay faarujiyeen Xeryihii ay ku sugnaayeen kadib markii ay waaayeen xuquuqdii ay lahaaeen sida wararku sheegayaan.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay gadoodeen, iyadoo ay ku jireen xerada Dhaankarone ee duleedka Gelinsooor, halkaasi oo in muddo ah ay ku xareysnaayeen.

Ciidanka oo xerada isaga baxay ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo aad u hubeysan, waxaana ay wataan sida wararku sheegayaan gaadiid gaaray 10 Gaari oo kuwa dagaalka ah, waxaana ay sheegeen Ciidanku in muddo 5 bil ah aysan wax mushaar ah qaadan taasina ay keentay in ay xeradii ay ku jireen ay faarujiyaan.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidanka gadooday ay yihiin Malleyshiyaadkii dhawaan lagu wareejiyay Galmudug, waxaana Ciidankaas wareejiyay odayaasha Dhaqanka.

Dhawaan ayay hayd markii Ciidan farabadan oo ka tirsan Daraawiishta Galmudug ayaa sameeyay gadood, waxaana la hadlay Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi, wixii intaas ka dambeeyana waxaa Xeryahooda dib ugu laabtay Ciidankii Gadoodsanaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media