Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo tababar uga socda Magaalada Izmir

Tababar ku saabsan la dagaallanka Al-shabaab ayaa Magaalada Izmir ee dalka Turkiga uga socda Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed.

Tababarkaan ayaa isugu jira burburinta iyo ka hortagga miinooyinka dhulka lagu aaso, baarista goobaha dambiyada ka dhacaan iyo howlgalada gaarka ah.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in muddo bilo ah uu tababarka u socday, waxaana ay isugu jiraan qaybo kala duwan oo marba tababaro gaar ah lagu siinayo goobaha buuralayda magaalada Izmir.

Dowladda Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay si wayn uga qeyb qaadanaysay tababarka Ciidamada qalabka sida, waxaana ay boqolaal askari ay ku soo tababartay dalkeeda, kuwaasoo isugu jira Ciidamo Boolis iyo kuwo ka tirsan xoogga dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media