Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa  kolonyo ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM qarax lagula eegtay Agagaarka Isgoyska Soos ee Magalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah,waxaana gobjoogayaal ay sheegeen in qarax kadib Ciidamada AMISOM ay rideen rasaas farabadan oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM uu khasaaro ka dhashay,hayeeshee aysan jirin cid sirasmi ah u xaqiijisay.

Mudo daqiiqado ah ayaa waxaa hakad galay isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Soos,waxana la sheegay in Kolonyada Ciidamada AMISOM ay socdalkoodii sii wateen.

Wararkii u dambeeyay ee haatan aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ay dib u bilaawden isu-socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Soos iyo Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor