Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Qarax lagula eegtay Muqdisho iyo rasaas la maqlayo

War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM qarax lagula eegtay meel ku dhow Isgoyska SOS ee Degmada Hliwaa ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa miino dhulka lagu aasay,isla markaana waxaa Kolonyada ay la socdeen Ciidanka AMISOM lagula eegtay xili ay socdaal ku marayeen halkaas.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Iadaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in  qaraxa kadib Ciidanka AMISOM ay fureen rasaas xoogan,waxaana la xaqiijiyay in halkii saakay lagula eegtay haatan uu ku qabsaday.

Sidoo kale waxaa halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya oo xiray aaaga Isgoyska SOS,isla markaana halkaas ka wada baaritaano kala duwan,waxaana rasaas goos goos riyada Ciidankii AMISOM.

Ciidanka AMISOM  ayaa saakay qarax miino dhulka lagu aasay waxaa lagula eegtay agagaarka Isbitaalka SOS,waxaana la sheegay in qaraxaas uu Khasaaro ka soo gaaray.

Comments
Loading...