Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lala eegtay Qarax khasaaro geystay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gaar kuwa Burundi oo qarax lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aasay ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa Ciidamada Burundi lagula eegtay deegaanka Gololeey ee duleedka Balcad, xili ay ku socdaal ku marayeen halkaas.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas uu geystay khasaaro kala duwan, isla markaana ay maqlayeen jugta qaraxii lala beegsaday Ciidamada oo kusii jeeday Magaalada Jowhar.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay deegaanka Gololeey ee duleedka degmada Balcad, iyagoona tilmaamay in Ciidamada looga gubay 2 gaari oo xamuul ah.

Al-shababa ayaa dhowr jeer qaraxyo la beegsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, xili ay ku socdaalayeen wadada dheer ee xiriirisa degmada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor